Wasiirka Arrimaha gudaha ee Maamulka Somaliland Cali Maxamed waran cadde oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Maamulka Somaliland uu wado dadaaladii ugu dambeeyay ee lagu xalinayo colaada ka dhaxeysa labo beelood oo kuwa wada dagaalamaya deegaano ka tirsan Gobolka Sool.
Wasiirka ayaa sheegay in ay awood u adeegsanayaan joojinta dagaalkaasi isla markaana ay Ciidamo dheeraad ah ka geynayaan deeganada lagu dagaalamay.
Wasiirka Arrimaha gudaha ee Maamulka Somaliland ayaa ugu baaqay labada beelood ee dagaalamaya iney si deg deg ah ku heshiisiin hadii ay ka dhaga adeegaana ay awood u adeegsanaya joojinta dagaaladaasi.
Waxa uu xusay in aysan aqbali doonin in mar walbo lagu kor dagaalamo shacabka reer Somaliland.
Mudooyinkii dambe ayaa labo maleeshiyo beeleed oo xoolo dhaqato ah waxa ay ku dagaalamaayeen Koofurta gobolka Sool, Waxaana shalay Magaalada Laascaanood gaaray Wafdi ka socda Maamulka Somaliland ee uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha gudaha ee Maamulka Somaliland.


