Warta-nabadda iyo Afgooye oo ku balansan Tartanka Degmooyinka

Muqdisho-RisaalaFM- Waxaa galabta Barnaamijka Tartanka Degmooyinka Idaacadda Risaala ku tartami doona Degmada Afgooye oo ka socota  gobolka Shabeelaha Hoose iyo Degmada Warta-nabadda oo ka socota gobolka Banaadir.

Tartanaka Degmooyinka Idaacadda Risaala ayaa waxaa sanadkan Taaba Galinaya Shirkadda Cabitaanada COCA COLA.

Labada Degmo oo goor dhow aan qadka Telefoonka kula xiriirnay ayaa inoo sheegay in ay diyaar u yihiin galabta in ay ka qeyb qaataan Tartanka degmooyinka Idacaadda Risaala.

Degmooyinka Afgooye iyo Warta-nabadda ayaa galabta waxa ay cayaari doonaan kulankooda Saddexaad inkastoo gabi ahaan ay isaga hareen tartanka maadaama ay noqdeen labada degmo ee ugu dhibcaha yar Groupka A.

Shalay ayaa waxaa wareega Saddexaad ee tartanka degmooyinka Risaala u soo gudbay degmooyinka Awdheegle iyo Dharkeynley.

Tartanka ayaa galabta waxa uu bilaaban doonaa saacaddu marka ay tahay 04:00 PM Galabnimo.