DHAGEYSO: Madaxweynaha Soomaaliya oo gaaray magaalada Baydhabo

Beydhabo-RisaalaFM- Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa goor dhow waxaa gaaray Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe.

Ammaanka Magaalada Baydhabo ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana garoonka ku sugan ciidamo ka tirsan AMISOM oo si weyn amniga u xaqiijinaya.

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbee Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa Madaxweynaha Soomaaliya ku soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha ee Shaati Gaduud Magaalada Baydhabo.

Wariyaheena Siid Cali Muuse oo ku sugan magaalada Beydhabo ayaan ka wareysanay shirka la filayo in uu maanta ka furmo Beydhabo.