DHAGEYSO: Maamulka Shabeelaha Dhexe oo ka hadlay dilkii loo geystay Taliyihii Nabad Suggida

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa gacanta kusoo dhigay ninkii ka dambeeyay dil xalay magaalada Jowhar loogu geystay Taliyihii ciidanka Nabad suggida gobolka Shabeelaha Dhexe C/weli Ibraahim Maxamed.

Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay in ay ninkaas ka baadigoobaayeen xalay ilaa iyo saakay magaalada Jowhar ka dibna ay kasoo qabteen duleedka magaalada Jowhar ee xarunta Shabeelaha Dhexe.

Gudoomiye ku xigeenka gobolka Shabeelaha Dhexe  Axmed Meyre Makaraan oo la hadlay idaacadda Risaala ayaa sheegay in ciidanka dowladda Soomaaliya ay gacanta ku hayaan ninkaas ayna sharciga Horkeeni doonaan maalmaha soo socda.

Al-Shabaab ayaa sheegtay dilkii loo geystay taliyihii Nabad Suggida Shabeelaha Dhexe C/weli Ibraahim Maxamed.