Al-Shabaab ayaa xalay weerar kusoo qaaday saldhiga ciidanka dowladda Soomaaliya ay kuleeyihiin deegaanka Masjid Cali Gaduud oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe.
Weerarka oo ahaa mid culus ayaa la sheegay in uu socday muddo saacado ah,islamarkaana uu dhaliyey khasaare kala duwan sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.
Sarkaal sare oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliya oo ay soo xiganayso warbaahinta ku hadasha afka dowladda ayaa sheegay in labo askari ay ku dhaawmeen laakiin ay Shabaab gaarsiiyeen jab xoogan.
ciidanka Al-Shabaab ee gooobta soo weeraray ayaa la sheegay in ay wateen gawaarida dagaalka iyo sidoo kale hub culus.
Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan Shabaab kala wareegay tuulada Masjid Cali Gaduud ee Shabeelaha Dhexe.


