Kismaayo-RisaalaFM- Ciidamada ammaanka Maamulka Jubbaland, ayaa gacanta ku soo dhigay saddex nin oo la sheegay in lagu tuhmaayo inay ka dambeeyeen dilkii shalay Magaalada Kismaayo loogu geystay Sheekh C/laahi Dalab.
Howlgal ay sameeyeen ciidamada Jubbaland oo laga sameeyay Xaafadaha Magaalada, ayaa lagu guuleystay in gacanta lagu soo dhigo Saddexda ruux ee tuhmanayaasha ah.
Saraakiisha ammaanka Magalada Kismaayo ayaa sheegaya in saddexda ruux ay ku socoto baaritaano ku aadan tuhunada loo soo qabtay, hadana ay ku xiran yihiin Saldhiga Magaalada Kismaayo.
Sheekh C/laahi Dalab ayaa shalay lagu toogtay gagaarka isgooyska balcad gaar ahaan agagaarka xafiiska Shirkada Diyaaradaha ee Blue sky ee Magaalada Kismaayo.
Sheekh C/laahi Dalab, ayaa horay wuxuu uga tirsanaan jiray Ururka Al Shabaab, balse wuu ka baxay Ururkaasi, hadana markii la dilaayay wuxuu ka tirsanaa Maamulka Jubbaland.
Al-Shabaab ayaa beegsada Shaqsiyaadka ka tirsanaan jiray iyaga ee hadana ka baxa, ama ka soo horjeesta fekerkooda.



