Ciidmada dowladda Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay Gaari ay saaranyihiin hub iyo walxaha qarxa, kaas oo ay ciidamadu sheegeen in la doonayay in lagu qalqalgaliyo amaanka magaalada Muqdisho.
Afhayeenka maamulka gobolka Banadaair C/fataax Cumar Xalane oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in maalmahan lagu raad joogay ragan, isagoo tilmaamay in ragan la soo qabtay sharciga la horgeyn doono sharciga.
Ciidamada dowladda waxa ay howlgal ka sameeyeen deegaanka Ceelasha Biyaha halkaas oo lagu soo qab qabtay ilaa 4 qof oo uu ku jiro horjoogihii hubka iyo qaraxyada gaariga ku soo raray.





