DHAGEYSO: Wasiir ka tirsan Galmudug oo ka hadlay shirka Madasha Qaran

Wasiirka Dastuurka maamulka Galmudug Cismaan Maxamed Cali oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa waxa uu ka hadlay shirka Muqdisho uga socda Madaxda dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada.

Waxa uu sheegay in ay muhiim tahay in la helo maqaamka gobolka Banaadir uu ku leeyahay Aqalka Sare.

Shirka Madasha Wada-tashiga Qaran oo ay ka qayb galayaan Mas’uuliyiinta dowladda Dhexe iyo Maamul-goboleedyada dalka ayaa lagu wadaa in maalinta beri ah lagu soo gaba gabeeyo magaalada Muqdisho.