Ammaanka dalka Kenya oo la adkeeyay

Ammaanka dalka Kenya gaar ahaan dhanka xuduudaha ayaa si weyn loo adkeeyey xili dowladda ay cabsi qabto in dalkeeda  ay ka dhacaan weeraro ay geystaan Xarakada Al-Shabaab.

Howlgal balaaran ayaa laga bilaabay guud ahaanba dalka Kenya gaar ahaan degmooyinka soo xiga dalka Soomaaliya sida uu warbaahinta u sheegay sarkaal sare oo ka tirsan laamaha ammaanka dalka Kenya.

Ciidamo dheeraad ah ayaa la geeyay magaalooyinka weyn ee dalka Kenya ,madaam ay jirto cabsi weyn oo ah in shabaab ay weeraro ku qaadi karaan dalka  Kenya.

Shalay warbixin laga helay dowladda Kenya ayaa shaacisay in ku dhawaad 45 dagaalyahan oo ka tirsan  Shabaab ay gudaha u galeen dalka,waxaana la sheegaya in qeyb ka mid ah dagaalyahanadaas ay galeen bariga magaalada Wajeer ee dalka Kenya.

Ururka Shabaab ayaa weeraro badan ka geystay dalka Kenya,waxaana dowladda Kenya ay sheegaysa in hada la adkeeyay ammaanka dalkeeda, ayna ka digtoon tahay weeraro ay geystaan xarakada Shabaab.

Dhanka Kale  dowladda Kenya ayaa heshay lacag dhan 4.2 billion oo shilka Kenya tasoo loogu talay dagaalka lagu la jiro Xarakada Shabaab.

Howgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa dowladda Kenya ugu deeqay  4.2 billion oo shilka Kenya ah ,dhaqaalahaas oo badankiisa loogu talagalay dagaalka lagu la  jiro Shabaab.

Ciidamo badan oo ka socda dowladda Kenya ayaa ku sugan gudaha dalka Soomaaliya ,waxayna dagaal adag kula jiraan xarakada Shabaab oo ka  dagaalanta Soomaaliya.