Kooxo hubeysan oo Caawa dil ka geystay degmada Waaberi

Muqisho-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya Caawa degmada Waaberi gaar ahaan Labada Buundo ayaa waxa ay sheegayaan in kooxo hubeysan ay dileen Mustaf Xaaji Dhicisow oo ka mid ciidanka Minashiibiyada dowladda Soomaaliya.

Dadka deegaanka oo aan la xiriirnay ayaa inoo sheegay xilliga la dilayay Mustaf in uu ka soo baxay Masjid ku yaala degmada Waaberi.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa waxa ay gaareen goobta uu dilka ka dhacay iyagoo halkaasi kawada baaritaano lagu ogaanayo sida uu dilka u dhacay.

Maamulka degmada Waaberi oo aan la xiriirnay ayaa inoo sheegay in lagu raad joogo kooxihii dilka geystay.

Maalmihii la soo dhaafay qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir ayaa waxaa ka dhacayay dilal kuwaas oo loo geysanayay Mas’uuliyiinta dowladda iyo dad shacab ah.