Saacadihii la soo dhaafay ayaa waxaa la sheegay in dad farabadan oo Cudurka Coronavirus dartiis uga soo cararay dalka Jabuuti inay si dhuumasho ah kusoo galeen Magaalooyin kamid ah deegaannada Soomaaliland.
Wariyeyaal ku sugan deegaano kamid ah Gobolka Awdal ee Soomaaliland ayaa waxaa ay sheegeen in dadkaasi oo isugu jira Rag iyo Dumar da’ah ay soo gaareen Magaalooyinka Boorama iyo Gibiley,iyaga oo aan soo marin Magalada Xaduudka Jabuuti iyo Soomaaliland ku taalla ee Lowyacadde.
Sidoo kale Wararka ayaa waxaa ay sheegayaan in dadkaasi badankood ay deegaannada Soomaaliland kasoo galeen deegaano ku yaalla Hareeraha,isla markaana si caadi si haatan ugu sugan yihiin deegaano kamid ah Soomaaliland oo dadka ku nool ay ka cabsi qabaan Cudurka Coronavirus.
Xukuumadda Soomaaliland Guddiyada u qaabilsan ka hortaga Cudurka COVID19 ayaanan ilaa iyo hadda wax dabagal ah ku sameyn dadkaasi oo ka yimid dalka Jabuuti oo laga helay kiisas badan oo Cudurka Coronavirus ah.



