Shirkadda diyaaradaha ee Fly Dubai ee laga leeyahay wadanka isutaga Imaaraadka Carabta ayaa shaacisey inay wada hadal la galeyso Mas’uuliyiinta Soomaaliland si dib ay Shirkadda ugu bilaawdo duulimaadyadii ay ku tegi jirtay Magaalada Hargeysa.
Xukuumadda Soomaaliland ayaa kal hore Shirkadda Diyaaradaha Fly Dubai waxaa ay ka joojisay duulimaadyadii ay ku tegi jirtay Garoonka Diyaaradaha Cigaal ee Magaalada Hargeysa.
Afhayeen u hadlay shirkada Fly Dubai ayaa u sheegay CH-Aviation, inay Somaliland ka joojisay duulimadyadii taas oo keentay inay wada hadal la galaan si ay dib ugu bilaabaan duulimaadyadoodii caadiga ahaa oo ay ku tegi jireen Magaalada Hargeysa iyo Magaalooyinka kale.
Shirkadda Fly Dubai ayaa Bishii Maarso ee sanadkan waxaa ay ka noqotay hawada Somaliland ,iyadoo qaadatay amar ay dawladda Soomaaliya ku joojisay dulimaadyada, waxaana Madaxda Somaliland ay Shirkadda ku wargeliyeen in laga joojiyay duulimaadyadii ay Diyaaradahooda ku imaan jireen Garoonka Diyaaradaha Cigaal ee Magaalada Hargeysa.



