Jowhar-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya qarax lagula eegtay meel udhow garoonka diyaaragdaha magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Qaraxa ayaa la sheegay in uu ahaa mid lagu aasay goob ay fariisan jireen ciidamada dowladda ee ku sugan Jowhar, waxaana ku dhintay 3 kamid ah ka mid ah ciidamada dowladda Soomaaliya halka 5 kalena ay ku dhaawacmeen.
Ciidamada ku dhaawacantay qaraxa ayaa waxaa la geeyay isbitaalka magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Agaasimaha Idaacadda Shabeellaha Dhexe C/kariin Aaloos oo Idaacadda Risaala la hadlay ayaa sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya ay howlgallo ka sameeyeen goobta waxa ka dhaceen, sidoo kalena ay ku soo qab qabteen dad lagu tuhmayo in ay falkaasi ka dambeeyeen.
Ilaa iyo hada ma jirto cid sheegatay Mas’uuliyada qaraxan lala eegtay askar ka tirsan ciidanka dowladda.


