DHAGEYSO: Dowladda Soomaaliya “Sarkaal Shabaab ah ayaan dilnay”

Xudur-RisaalaFM- Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa AMISOMa ayaa waxa ay weerar ku qaadeen deegaan qiyaastii 27 KM ujirta degmada Xudur ee gobolka Bakool.

Weerarkan ay qaadeen ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa lagu sheegay in ay ku dileen horjooge ka tirsan Al-shabaab halka mid kalena ay nolosha ku qabteen.

Gudoomiyaha degmada Xudur ee gobolka Bakool Maxamed Macalin Axmed ayaa ka warbixiyay weerarka ay ku qaadeen Al-shabaab iyo horjoogaha ay ku dileen.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in howlgallada ay yihiin kuwo Al-shabaab looga saarayo deegaanada ay kaga sugan yihii magaalada Xudur.

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa maalmihii udambeeyay waxa ay howlgallo ka dhan ah Al-shabaab ay ka wadeen degmada Xudur ee gobolka Bakool.