Muqdisho-RisaalaFM- Shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa waxa ay aragtiyo ka dhiibteen go’aankii uu madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu ku ansixiyay heshiiskii Madasha Wadatashiga Qaran.
Dadka aragtida dhiibtay oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa waxa ay sheegeen in go’aanka uu qaatay madaxweynaha Soomaaliya uu yahay mid sharci daro ah, iyagoo sheegay in ay sax tahay mida Baarlamaanka Soomaaliya hortaala.
Shir jaraa’iid oo uu maanta ku qabtey xafiiska Madaxtooyada, ayaa Madaxweynaha waxaa uu sheegay si looga fogaado khilaaf ka dhex dhasha Baarlamaanka Federaalka, dowladda dhexe iyo maamullada gobollada uu go’aansadey inuu soo saaro xeerkan, iyadoo loo daneynayo maslaxadda ummadda Soomaaliyeed.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in Doorashada ay dhaceyso waqtigeeda ayna u dhici doonto sidii loogu talo galay.


