Xoogag ka tirsan xarrakada Al-shabaab ayaa xalay weerar ku qaaday fariisimo ciidanka Itoobiya ay ku leeyihiin deegaanka Halgan oo ka tirsan gobolka Hiiraan.
Weerarka oo ahaa mid xoogan ayaa la sheegaya in uu sababay khasaare isku jira dhimasho iyo dhaawac.
ciidanka Itoobiya ayaa la sheegay in ay iska caabiyeen ragga weerarka kusoo qaaday.
Gudoomiyaha deegaanka Halgan Guhaad Cabdi Warsame oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay khasaare gaarsiiyeen Al-shabaabkii weerarka soo qaaday,waxa uu intaas ku daray in uusan jiran khasaare dhankooda soo gaaray.
Ugu dambeyn, ma ahan markii ugu horreysay oo ay xoogagga Al-shabaab weeraar noocan oo kale ku qaadaan deegaanka Halgan tan iyo markii ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM la wareegeen.



