Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Maxamed Cumar Carte ayaa sheegay in xukuumada Soomaaliya ay dardar gelineyso Isku dhafka ciidamada dowladda.
Waxa uu sheegay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka in horay loogu heshiiyay in la isku dhafo ciidamada dowladda.
Waxa uu tilmaaamay in madaxda dowladda iyo maamul goboleedyada dalka ay ku heshiiyeen in la mideeyo ciidamada dowladda.
Waxa uu sidoo kale sheegay in xukuumada ay ku dadaaleyso in la dardar geliyo mideynta iyo isku dhafka ciidanka.
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Maxamed Cumar Carte ayaa hada ku sugan magaalada Cadaado ee Xarunta KMG ee Maamulka Galmudug, Waxa uuna sheegay in safaro kala duwan uu ku marayo magaalooyinka maamul goboleedyada dalka.


