Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kahadlay amniga magalada Muqdisho,waxa uuna Xasan Sheekh amaanay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo uu sheegay in ay ka hor tageen weeraro badan oo shabaab ay qorshaynayeen in ay ka geystaan magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.
Sidoo kale madaxweynaha dalka ayaa ku taliyey nabad sugida gobolka Banaadir iyo gudoomiyaasha degmooyinka gobolka ay isla shaqeyaan si mar waliba loogu hor tago falalka amni daro ee ka dhaca magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa hadalkaan ka sheegay kulan xalay ka dhacay xarunta maamulka gobolka Banaadir .


