Jowhar-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya duleedka degmada Jowhar ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in maanta ay halkaasi ku dagaalameen ururka Al-shabaab iyo dad xoolo dhaqato ah.
Dagaalka ayaa la sheegay in uu geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo Labada dhinac soo kala gaaray.
Dadka deegaanka oo aan la xiriirnay ayaa inoo sheegay in dagaalka uu ku bilowday kadib markii ay Al-shabaab wateen xoolo ay leeyihiin dadka xoolo dhaqatada ah ee halkaasi ku nool.
Waxaana dagaalka la sheegay in uu socday muddo saacado ah oo dadka deegaanka qaarkood ay ka baraceen goobta uu dagaalku ka socday.
Warar madax banaan ayaa sheegaya in dagaalkaasi ay ku dhinteen ilaa iyo 4 qof, halka 3 kalena uu dhaawac ka soo gaaray.


