Deg Deg: Kooxo hubeysan oo weerar ku qaaday gudoomiyaha gobolka Sool

Laas-caanood-RisaalaFM- Kooxo hubeysan ayaa waxa ay weerar ku qaadeen guri uu ka degan yahay magaalada Laas-caanood gudoomiyaha gobolka Sool Mustaf Cabdi Ciise.

Wararka ayaa sheegaya in dagaal xoogan uu dhexmaray dableyda iyo ilaalada gudoomiyha.

Ilaa iyo hada lama xaqiijin karo kooxaha weerarkan soo qaaday, iyadoo goobta uu weerarku ka dhacay hada ay tahay mid degan.

Kooxaha weerarkan soo qaaday wali lama oga halka ay ka tirsan yihiin.

Maamulka magaalada Laas-caanood ayaanan ilaa iyo hada ka hadlin weerarka lagu soo qaaday gudoomiyaha gobolka Sool Mustaf Cabdi Ciise.