Buurhakaba-RisaalaFM- Taliyaha ciidamada boliiska gaarka ah degmada Buurhakaba ee maamulka Koonfur Galbeed C/casiis Ismaaciil Abuukar oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidamada maamulka Koonfur Galbeed ay fashiliyeen weeraro ay Al-shabaab doonayeen in ay ka geystaan deegaanada maamulka Koonfur Galbeed.
Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in Al-shabaab ay doonayeen in weeraro iyo qaraxyo ay ka geystaan goobaha ay bulshada isugu timaado.
Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxa uu ciidamo gaar ah oo boliis ah udiyaariyay in ay ka hortagaan weerarada ay Al-shabaab ka geystaan deegaanada Koonfur Galbeed.
Dhowaan ayay aheyd markii madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan uu ku dhawaaqay guddi xaqiijinaya amniga guud ee Koonfur Galbeed.


