DHAGEYSO: Maamulka Nugaal oo xaliyey cabashadii dadwaynaha

Gudoomiyaha Gobalka  Nugaal ee maamulka puntland Cumar Cabdillaahi Faraweyne oo warbaahinta  kula hadlay suuqa weyn ee magaalada garoowe  ayaa tilmaamay inay xaliyeen cabasho ay maanta Ganacsatada Garowe sameeyeen .

Cumar Cabdillaahi Faraweyne ayaa sheegay in uu jiro sicir bararka ,islamarkaana maamulka gobolka Nugaal ay ku howlyihiin in ay xaliyaan dhibaatooyinka ka taagan sarifka lacagaha dollorka ee gobolka Nugaal.

Qiimaha sarifka lacagta Dollarka ayaa halkii dollar uu ka marayaa magaalada 30 kun Shilin Soomaali ah halka horay uga joogay 21 ilaa 22 Shilin Soomaali ah.

Maalmihii  la soo dhaafay ayaa magalaada Garoowe  ee caasimada Puntland waxaa ka socday banaan bax ay wadeen ganacasada kunool gobolka Nugaal