Nin ilaalo ka ah mid ka mid ah Hotelada Muqdisho oo dilay Haweeney Naafo aheyd

War ay heshay Idaacadda Risaala ee Magalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegayaa in Barqanimadii Maanta uu Nin ilaala ka ah Hotelka Shamow oo u dhow Isgoyska soobe ee Magalada Muqdisho uu dilay Haweeney Naafo aheyd.

Xilliga dilka uu dhacayay ayaa waxaa Hotelka ka socday bixinta lacago Qoysaska Danta yar ay siiso Hay’adda WFP,waxana Haweeneyda ay ka mid aheyd dadka lacagtaasi sugayay,isla markaana ay Naafo aheyd oo ay ka go’need mid ka mid ah lugaheeda.

Ninka ilaalada ka ah Hotelka ayaa la sheegay in uu Xabad ku duftay Haweeneyda oo Da’eeda lagu qiyaasay ilaa 50 jir laguna Magacaabi jiray Cadar,waxaana wararka qaar ay sheegayaan in Ninkii uu baxsaday.

Todobaadyo ka hor ayay aheyd markii Nin ilaalo ka ahaa Isbitaalka Banaadir uu dilay darawal Mooto Bajaajle ahaa kadib markii Afaafka hore ee Isbitaalka ay noqotay mid ay gawaari badan isku xireen.