Duqeyntan ayaa ka dhacday Gobalka Kilis ee koonfurta wadankaasi Turkiga, waxaana la sheegay in ugu yaraan 5 gantaal oo laga soo tuuray dhinaca Siiriya ay ku dhaceen deegaanada ku dhaw xaduuda.
Dad gaaraya 26 qof ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen weerarkan, dadkaasi oo isugu jira Turki iyo waliba qaar kamid ah qaxootiga ka yimid dalka Siiriya.
Raysalwasaare kuxigeenka Turkiga Yalcin Akdogan oo kamid ahaa wafdi ka socda Dowlada Turkiga oo shalay booqday goobaha duqeynta ka dhacday ayaa sheegay in ay filayaan in gantaaladan laga soo tuuray dhulka ay maamusho kooxda Daacish ee waqooyiga Siiriya.


