Eedeysanayaal u dhashay dalalka Faransiiska, Belgium ,Switzerland oo jir-dil iyo dhac u geystay Muwaadin Soomaaliyeed oo kunool Jesiiradda Malta gaar ahaan degaanka Paceville ayaa xukun lagu riday.
Maxkamada ayaa ku heshay raggaas in ay jir-dil iyo dhac arxan-darro u geysteen muwaadinka Soomaaliyeed ,islamarkaana ay garaacayeen muddo dhowr sacaadood ah,ayna ka qaateen lacag dhan 500 oo Euro iyo Mobeel aad u qaaliya.
Ragga maxkamadda kasoo hor muuqday ayaa lagu kala magacabaa Khalid Bri, Fedrik Mara, Mahdi Fayaad, Kameliya Farax.
Maxkamada ayaa waxay ku xukuntay mid kaste oo ka mid ah raggaas 18 bilood oo xabsi ah iyo in ay bixiyaan lacagtii iyo mobelkii ay qaateen muwaadinka Soomaaliyeed.


