Xisbiga Cunsuriga oo ku horeeya doorashada Madaxweynaha

Xisbigan ayaa wareega 1aad ee doorashada Madaxweynaha helay 36% cododka, waxaana kaalinta labaad soo galay Murashaxa xisbiga Cagaarka Mr.Alexander Van der Bellen, halka kaalinta sadexaad ay gashay murashaxada Madaxa banaan ee Irmgard Griss.

Wareega 2aad ayaa la filayaa in loolanka ugu xoogan dhexmari doono Norbert Hofer iyo Alexander Van der Bellen.

Waa markii ugu horeysay taariikhda dalkaasi oo uu xisbi cunsuri ah taageero intaan la eg helo, wuxuuna murashaxa FPO Mr.Nobert Hofer ololihiisa doorashada diirada ku saaray arrimaha dadka Soogalootiga ah iyo Qaxootiga oo uu sheegay inuu gebi ahaan joojin doono.