Waxaa Maanta magaalada Baydhabo lagu qabtay kullan uu soo qaban qaabiyay Madaxa Qaramada Midoobe ee Baydhabo Arnaud Laloum, waxaana kasoo qeyb galay kullankaasi Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Lafta-gareen.
Ujeedada kulankaani ayaa waxaa lagu micneeyay in uu yahay mid la isku barayo madaxweynaha cusub ee maamulka Koonfur Galbeed Lafta-gareen iyo hay’addaha kala duwan ee Qaramada Midooobe kuwooda ka howgala deeganada Maamulkaasi.
Hay’addaha Qaramada Midoobe ayaa soo bandhigay waxyaabaha u qorsheysan oo ay ka qaban doonaan deeganada maamulka Koonfur Galbeed waxa ayna Madaxweyne Laftagareen ka codsadeen in uu kala shaqeeyo hirgelinta mashaariicyada ay ka wadaan Koonfur Galbeed.




