Kulanti wacan kuna soo dhowaada akhristeyaal,rikooradii ugu muhiimsanaa ee aga qoray kulankii Real Madrid vs Eibar.
1-Cristiano Ronaldo ayaa noqday cayaaryahankii ugu horeeyay ee dhaliya 30 gool 6 xilli cayaareed oo xiriir ah horyaalka Spain.
2-Real Madrid ayaa kulamada oo dhan ee La Liga-ha ku badineysay garoonkeeda, mar waliba oo ay gool la hormarto, 13 jeer ayayna guul ku gaartay Bernabeu.
3-James Rodriguez ayaa noqday cayaaryahanka keliya ee xilli cayaareedkii hore iyo midkanba ugu badan La Liga-ha goolasha laga dhaliyo meel ka baxsan xerada ganaaxa.
4-Real Madrid ayaa baasaskii ugu badnaa ee La Ligaha sameysay kulankii Eibar (86.94%).
5-Real Madrid ayaa 18 kulan ee ugu dambeeyay garoonkeeda Bernabeu ugu badineysay kooxdan Eibar.


