DHAGEYSO: Ugaasyo ka socda Muqdisho oo ku biiray shirka Beledweyne

Ugaas Cismaan Ugaas Cilmi Ugaas Cumar oo hogaaminayay wafdiga maanta gaaray magalaada Beledweyne islamarkana hadal ka jeediyay madasha shirka dib u heshisiinta  beellaha dega gobolka Hiiraan ayaa sheegay in madaxweynaha  dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud looga bahan yahay in  shirka maamul u sameynta gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe  uu dib ugu soo celiyo magalaada Beledweyne.

Ugaas Xassan Ugaas khaalif iyo qar ka mid ah  duubabka dhaqanka gobolka Hiiraan  oo hadal ka jeediyay  madasha shirka dib u heshisiinta beellaha dega gobolka Hiiraan ayaa soo  dhaweyay wafdiga maanta ku soo biiray shirka dib u heshiisiinta ee ka yimid magalaada Muqdisho.

Dhowaan ayay aheyd markii magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan uu ka furmaya shirka dib uheshiisiinta odayaasha ka soo jeeda Hiiraan, waxaana maalmaha soo socda la filayaa in shirka maamul usameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe oo gogashiisa ay taalo Jowhar uu dib u furmo.