Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka maanta ku xukuntay Ganacsade Cabdifitaax Yuusuf Xersi (Cagaweyne) Lix Bilood oo Xabsi argagixiso ah, kadib markii lagu soo eedeeyay inuu Maxkamadaha Shabaabka ee deegaanka Gendershe ee gobolka Shabeellaha hoose ka dacweeyey Afar qof, kuwaasi oo uu ku lahaa lacago deyn ah.
Ninkan la xiray oo ahaa Ganacsade leh dukaan lagu iibiyo raashinka, ayaa inta uusan u dacwoon maxkamadda Shabaabka, wuxuu u afarta qof ka dacweeyey Maxkamadda degmadda Kaxda, taasi oo u xukuntay in lacagaha uu ku lahaa raggaasi ay siiyaan, balse mid ka mida afartii qof uu qaatay racfaan, iyadoo waxaana kiiskooda loo wareejiyey Maxkamadda Gobolka Banaadir iyo waqti kale.
Waxaa loo heystaa inuusan tegin Maxkamadda gobolka Banaadir, kuna dhaqaaqay inuu u dacwoodo Shabaab, waxaana la qabtay markii uu kasoo laabtay.