Sheekh Shariif oo si adag ugu hadlay dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee ka dhacay

Maxkamada ciidamadda qalabka sida ayaa maanta waxaa la horgeeyay Cabdifitaax Yuusuf Xersi Cagaweyne, kaasi oo lagu eedeeyey in Maxkamadaha Al-shabaab ee deegaanka Gendershe ee gobolka Shabeellaha hoose uu ka dacweeyey Afar qof, kuwaasi oo uu ku lahaa lacago deyn ah.

Ninkan ayaa la sheegay inta uusan aaday Al-shabaab uu horey u tagay maxkamada degmada Kaxda, taasi oo u xukuntay in lacagaha uu ku lahaa raggaasi ay siiyaan, balse mid kamid ah afartii uu dacweeyey ayaa qaatay racfaan, waxaana kiiskooda loo wareejiyey Maxkamadda Gobolka Banaadir.

Qoraal ka soo baxay maxkamada Ciidamada qalabka sida ayaa waxaa lagu yiri”Eedeysanaha ayaan tagin Maxkamadda gobolka Banaadir, taas beddelkeedana waxa uu u dhaqaaqay in Khawaarijta uu u dacwoodo, waxaana markii uu soo laabtay ay Hay’addaha ammaanka ka qabteen degmadda Kaxda Lix iyo Tobanka Bishii kow iyo tobnaad ee sanadkii hore 2024.”

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada QS, ayaa codsaday qaadista kiiskaan, waxaana laga oggolaaday Lixdii Bishaan February.

Dood iyo baaris dheer kadib maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa maanta waxaa ay ku xukuntay Cabdifitaax Yuusuf Xersi Cagaweyne Lix Bilood oo Xabsi Shabaabnimo ah.