Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) oo ku sugan magaalada Dubia ayaa hadal ka jeediyay shirka dowladaha adduunka oo maanta ka furnay dalka Imaaraadka Carabta.
Cabdiraxmaan Ciro ayaa shirka ka sheegay in ay rajeynayaan in Dowladda Mareykanka ay noqoto wadanka ugu horeeya ee aqoonsada Soomaaliland.
” Waxaannu rajanaynaa in uu Maraykanku noqdo dalkii ugu horreeyey ee aqoonsada Somaliland” ayuu yiri Cirro.
Sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliland ayaa waxaa uu sheegay inuu ka shaqeyn doono dhameystirka heshiiska isu gudbinta badeecadaha ee Itoobiya iyo Somaliland ka hor dhammaadka sannadkan.
Madaxweyne Ciro mar uu soo hadal qaaday ahmiyada maalgashiga u leedahay dekada Magaalad Berbera ayaa waxaa uu yiri ” Somaliland waxay leedahay xeeb dhereran 800KM oo ku taalla gacanka Cadmeed. Magaalada Berbera oo ah dekedd istaraatijiya waxa dagaalkii qaboobaha adeegsaday quwadihii Ruushka iyo Maraykanka waxadna halkaas ka garan gartaa muhiimadda ay leedahay”
Shirkan ka socda Magaalada Dubia ayaa waxaa qaybgalaya Madaxweynayaal 30 kor u dhaafaya iyo Maalqabeeno waaweyn.
Imaaraadka Carabta ayaa markan u muuqata inay aqoonsi la raadinayso maamulka Soomaaliland



