Puntland oo sheegtay in xubno Daacish lagu dilay dagaalka ka socda G/Bari

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar saaka kooxda Daacish ay ku qaaday ciidamada Puntland, waxaa ayna Puntland sheegtay in xubno Daacish ah lagu dilay weerarka.

Saraakiisha amniga Puntland ayaa sheegay in weerarku ku bilowday gaari iska-rogo ah, kaasi oo waxyaabaha qarxa ka buuxeen, Islamarkaana ciidanka ay toogteen darawalkii waday gaariga, sidoo kalana 3 mooto oo qaraxyo ku xirnaayeen ayaa la toogtay raggii waday, sida uu Risaala u sheegay Afhayeenka ciidamada howlgalka Ciribtirka Argagixisada.

Hawlgalka oo weli ka socda degaanka Haraaryo ee togga Jeceel ayaa durba ciidamada difaaca Puntland ku soo bandhigeen qeybta koowaad meydadka xubnaha ka tirsanaa Daacish ee saaka lagu dilay dagaalka, waxaana saraakiishu sheegayaan in ay gacanta ku dhigeen hub iyo saanad ciidan oo kooxda laga furtay.

Afhayeenka ayaa sheegay in ay faahfaahin dheeri ka bixi doonaan saacadaha soo aadan howlgalka, maadaama ayay yiraahdaan in weli dagaalka uu socdo.

Waa weerarkii labaad oo ay kooxda Daacish si toos ah ugu soo qaaddo ciidamada Puntland, tan iyo markii uu bilowday dagaalka ka dhanka ah Daacish bishii December ee sanadkii hore.