Dowladda Federaalka iyo Soomaaliland oo ka qeyb galaya shirka maanta ka furmaya Imaaraadka Carabta.

Masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo Soomaaliland ayaa ka qeyb galaya Shir-weynaha Dawladaha Adduunka ee sanadkan 2025, ka dhacaya magaalada Dubia ee dalka Imaaraadka Carabta.

Shirkan ayaa waxaa uu socon doonaa 11 ilaa iyo 13 bishan, iyadoona Imaaraadka Carabta ay casuumaad u sameysay madaxda ka qeyb galaysa Shirka.

Shir-madaxeedka sanadkan ayaa waxaa ka qaybgali doona in ka badan 30 madaxweyne, wasiiro, in ka badan 80 ururo caalami ah, 140 wafuud dawladeed ah, iyo in ka badan 6,000 oo ka qaybgalayaal ah, oo ay ku jiraan khubaro caalami ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa shirkan ugu qeyb galaya wasiirka maaliyada Soomaaliya Biixi Iimaan Cige iyo wasiirka Dhalin yarada iyo Ciyaaradha ee xukuumadda Soomaaliya Maxamed Barre Maxamuud, halka Soomaaliland ay ugu qeyb galayaan madaxweynaha Soomaaliland Cabdiraxmaan Ciro iyo wasiiro ka tirsan xukuumadiisa.

Shirka ayaa sanadkan diiradda lagu saari doonaa xasilloonida dhaqaale, isbeddelka dhijitaalka u ah, maamulka, iyo wada shaqeynta dawladda iyo ganacsiga gaarka ah.

Madaxweynaha Soomaaliland ayaa ka mid ah madaxda shirka khudbada ka jeedin doono, waxaana la sheegay inuu la kulmi doono madaxda ka qeyb galaysa shirka.

Arrintaan ayaa xad-gudub ku ah madax-banaanida Soomaaliya, waxaana suurtagal ah in talaabadaan ay dhaawacdo xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.

Shirkan ayaa waxaa la aasaasay sannadkii 2013-kii, waxaana uu isu keenayaa madaxda dawladaha, khubarada, iyo hoggaamiyeyaasha ganacsiga si ay uga wada hadlaan arrimaha muhiimka ah ee saameeya mustaqbalka dawladaha iyo bulshada caalamka.