Weerar ku bilowday qaraxyo lagu qaaday ciidamada Puntland ee ku sugan Buuraleyda Calimiskaad.

Wararka ka imaanaya gobolka Bari ayaa saaka sheegaya in ciidamada Puntland iyo kooxda Daacish uu dagaal culus uu ku dhexmaray Buuraleyda Calimiskaad eee gobolkaasi.

Kooxda Daacish, ayaa weerar ku bilowaday qaraxyo laga soo buuxiyay mootooyin iyo gaari isku roga ah ku qaaday, saldhig ay ciidamada difaaca Puntland ku leeyihiin deegaanka Toga Jaceel oo katirsan gobolka Bari.

Wararka ayaa sheegaya in xubno ka tirsan kooxda Daacish lagu dilay dagaalka, iyadoona saraakiisha ciidamada Puntland ay sheegeen in ay is ka difaaceen weerarka lagu soo qaaday.

War ka soo baxay taliska howlgalka ciribtirka Argagixisada ayaa waxaa lagu sheegay “Ciidanka Puntland waxay markale dhegta dhiiga u dareen, Argagixisada Daacish- deegaanka Haraaryo, Toga-Jaceel ee buuralayda #Calmiskaad.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

Dhanka kale duqeymo ayaa barbar socday dagaalka tooska ahaa ee dhexmaray ciidamada Puntland iyo kooxda, waxaana duqeynta lala beegsanayay xubnaha kooxda ee ka baxsanayay Buuraleyda Calimiskaad ee gobolka Bari.

Wararkii ugfu dambeeyay ayaa sheegaya in ciidamada Puntland ay la wareegay goobihii ay dagaalada saaka ka dhaceen, iyadoona koxoda Daacish isku dayayso in ay ka hortago gulufka dagaal ee lagu qaaday.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada Puntland wali baadigoob ugu jiraan xubno kale oo katirsanaa kooxda weerarka soo qaaday oo la sheegay in ay baxsadeen, waxaana socda howlgal balaaran ay wadaan ciidamada Puntland.

Ciidamada ayaa kusii siqaya deegaano dhowr ay kaga sugan yihiin gobolka Bari, koxoda Daacish, waxaana maalmihii ugu dambeeyay buuraleyda Calimiskaad ka dhacayay duqeymo culus oo lala beegsaday saldhigyada kooxda, waxaana laga dilay maleeshiyaad badan oo kooxdaasi ka tirsan.

Dagaallada u dhaxeeya ciidamada Puntland iyo Kooxda Daacish ayaa dib u laba kacleeyey maalmii ugu dambeeyay, tan iyo markii ay Puntland shaacisay guluf ay ku qaadayso buuraleyda Calmiskaad ee gobolka Bari, halkaas oo ah fariisinka ugu weyn ee Daacishta Soomaaliya ku sugan.