Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in wada-hadallo cusub oo u dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan ay bilaaban doonaan Isniinta.
Trump ayaa hadalkan sheegay fiidnimadii Axadda, saacado kaddib markii uu ku dhawaaqay in uu baajiyay weerarro waaweyn oo la qorsheeyay in lagu qaado Iiraan.
Wuxuu sheegay in heshiis laga gaadhay arrinta Marinka Hormuz, isla markaana uu rajo ka qabo in heshiis laga gaaro “ka saarista hubka nukliyeerka ee Iiraan.”
“Way iska caddahay in aanay doonayn in la weeraro. Waxay ogaayeen baaxadda weerarka sababtoo ah way sii arkeen in uu soo socdo.
Hadda waan la hadlaynaa, wada-hadalladuna waxay bilaabanayaan berri galab,” ayuu Trump u sheegay wariyeyaal isagoo saarnaa diyaaradda Air Force One maalintii Axadda.



