Wararka aan ka heleyno magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in saaka aroortii hore uu dagaal ka bilowday duleedka magaaladaasi, kaas oo sheegtayn ciidanka madaxweynihii hore maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya.
Dagaalka saaka ayaa lagu soo warramayaa inuu ka bilowday dhanka koofureed ee magaalada, aagga deeganka Burjaadka oo kamid ah mid goobaha laga ilaaliyo amniga magaalada Baydhabo, kuna taalla wadada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo.
Goobjoogayaal ayaa Warbaahinta Risaala u sheegay in magaalada Baydhabo ay degan tahay, balse saasaanta colaadeed ee dagaalka laga dareemeyey illaa iyo shalay duleedka Baydhabo, halkaa oo shalay ay miino kula qaraxday saraakiil ka tirsan ciidanka maamulka KG, inkasta oo aan la hubin tirada saxda ah ee ku geeriyootay miinadaasi.
Inkasta oo weli ay tahay xilli hore hadana Illaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalka
Deegaanka Burjaadka ayaa ciidamo dheeraad ah la geeyey tan iyo markii ay bilowdayn weerarrada ay ciidamada daacadda u ah madaxweynihii hore KG Laftagareen kusoo qaadayaan Baydhabo.




