*XISBIGA SHEEKH SHARIIF: Waxaan madaxda dowladda Federaalka ugu baaqeynaa inaan dhegaha laga fureysan Shacabka caasimadda oo xiligaan wajahaya culeysyadii ugu xumaa ee ka dhashay canshuuraha tirada badan*
Xisbiga Himilo Qaran wuxuu madaxda dowladda Federaalka ah ugu baaqayaa inaan dhegaha laga fureysan dareenka shacabka caasimadda oo xiligaan wajahaya culeysyadii ugu xumaa ee ka dhashay canshuuraha tirada badan kuwaas oo qaarkood ka baxsan xeerarka maaliyadeed.
Canshuurtu waa waajib saarran muwaadinka Soomaaliyeed, hase ahaatee waxaa hay’addaha maaliyadda dowladda Federaalka looga baahanyahay inay la yimaadaan hannaan canshuur qaadis oo ka hufan musuqmaasuq, sad-bursi iyo awood sheegasho sharciga ka baxsan. Bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ku nool caasimadda Muqdisho waa canshuur bixiyaasha ugu badan dowladda, mana helaan adeeg dowladeed sidaas darteed waa muhiim in dareenkooda si dhab ah loo tixgaliyo.
Radio Risaala broadcast online 24 hours a day, seven days a week. Radio Risaala brings you the friendly voices of the community. As a community station, We also have religious programs, sport, local news and interviews etc.



