Baarlamaanka SSC Khaatumo oo buuq hareeyay iyo guddoonka oo laalay Mooshinka Dastuurka ee la horkeenay.

Kulanka golaha wakiilada SSC Khaatuma ayaa maanta ku bilowday buuq iyo sawaxan, kadib markii maanta mudaneyaasha la horgeeyay Mooshin lagu dhisayo Dastuurka cusub ee maamulkaasi.

Fadhiga kulanka ayaa ku sugnaa xildhibaano tiradooda gaaraysa 35 mudane, kuwaasi isugu jira mucaarad iyo kuwa taageersan xukuumada madaxweyne Firdhiye.

Buuq iyo dood kadib Shir guddoonka golaha wakiilada SSC KHATUMO ayaa laalay mooshin lagu samayn lahaa dastuur cusub oo ay soo gudbiyeen xildhibaanada muxaafidka ah, waxaana tallaabada guddoonka ka dhashay buuq golaha hareeyey.

Mooshinka lagu dhisayo dastuurka cusub ee maamulka SSC KHATUMO oo meesha ka saari lahaa Axdi qarameedkii lagu dhisay maamulkaasi ayaa waxa horay uga horyimid madaxweyne ku-xigeenka SSC, xildhibaano iyo qaar kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka oo soo jeediyey qabashada shirweyne bulshada lagu kulminayo.

Guddoomiyaha Baarlamaanka SSC-Khaatumo, ayaa si cad u sheegay in mooshinka la xiriira dastuurka uusan waafaqsaneyn axdiga SSC-Khaatumo.

Guddoomiyaha ayaa xusay in baarlamaanka ay ka go’an tahay ilaalinta axdiga SSC-Khaatumo, isla markaana aysan aqbali doonin wax kasta oo lid ku ah go’aannada lagaga arrinsaday aayaha deegaanka. “Dastuurka waa in uu ku dhisan yahay rabitaanka shacabka iyo axdiga ay horey u meel mariyeen SSC-Khaatumo. Mooshinkan cusub ma waafaqsana heshiisyadii horey loo gaaray, mana aqbalayno in la wiiqo xaqa dadkeenna,” ayuu yiri guddoomiyuhu.