Beesha Caalamka oo wadahadal siinaysa DF iyo Mucaaradka.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in xubno ka tirsan Beesha Caalamka ay fariimo gaarsiiyeen Madaxtooyada Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka, kuwaas oo ku saabsan diyaar-garowga wadahadal la filayo inuu qabsoomo toddobaadyada soo socda ee bishan.

 

Sida ay sheegayaan xogaha la helayo, dhexdhexaadiyeyaasha ayaa oggolaaday in Golaha Mustaqbalka uu noqdo dhinaca si rasmi ah u matalaya mucaaradka Soomaaliya ee wadahadalka la yeelanaya Dowladda Federaalka, iyadoo ujeeddadu tahay in xal looga gaaro ismari-waaga siyaasadeed ee ka dhashay dhammaadka muddo-xileedka hay’adaha dowladda.

 

Xogaha ayaa sidoo kale tilmaamaya in Beesha Caalamka ay u sheegtay Madaxtooyada in Dowladda Soomaaliya ay xor u tahay inay la kulanto ama la tashato siyaasiyiinta kale ee ay dooneyso, hase yeeshee wadahadalka rasmiga ah ee lagu raadinayo xal siyaasadeed uu si gaar ah u dhex mari doono Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka.

 

Ilaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyo Golaha Mustaqbalka