Ciidamo kawada tirsan dowladda oo ku dagaalamay Muqdisho

Debris is seen at a check point as Somali soldiers patrol near Sanguuni military base, where an American special operations soldier was killed by a mortar attack on June 8, about 450 km south of Mogadishu, Somalia, on June 13, 2018. More than 500 American forces are partnering with African Union Mission to Somalia (AMISOM) and Somali national security forces in counterterrorism operations, and have conducted frequent raids and drone strikes on Al-Shabaab training camps throughout Somalia. / AFP PHOTO / Mohamed ABDIWAHAB

Ciidamo ka wada tirsan dowladda Soomaaliya ayaa xiligan ku dagaalamaya Laamiga kala qeybiya degmooyinka Kaaraan iyo Cabdicasis ee gobolka Banaadir, sida ay sheegayaan dadka goobjoogayaal ah.

Dagaalkan ayaa ka dambeeyay kadib markii ciidan uu watay Taliyaha saldhiga Booliska degmada Cabdicasiis ay la kulmeen weerar kaga yimid ciidan ilaalo u ahaa sarkaal magaciisa lagu sheegay Axmed Cali Ugaas, oo la sheegay inuu ahaa dadka carada ka qota goobtaasi.

Ciidamo badan oo ka tirsan dowaldda Soomaaliya oo isugu jira Boolis Militeri iyo ciidanka sida gaar ah u tababaran Haramcad ayaa gaaray goobta, iyadoona dhinacyada ay isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan.

Goobta lagu dagaalamayo ayaa waxaa ka agdhow Senator Muuse Suudi Yalaxow, iyadoona ciidamada gurmad ahaan u tagay goobta hada ay ku sugan yihiin isgoyska Mirinaayo ee Muqdisho, islamarkaana aysan u dhawaanin goobta lagu dagaalamayo.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in taliyihii saldhiga degmada Cabdicasiis lagu dhaawacay dagaalka.

Xaalada ayaa weli kacsan, iyadoona ciidamada dowladda ay iska caabinayaan kooxda.