Madaxweyne Xasan Sheekh oo sagootiyey ciidan NISA ah oo tababar loo diray

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta sagootiyay Cutubyo ka tirsan Ciidamada hubaysan ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), kuwaasi oo si gaar ah loo siiyey tababarro sare oo la xiriira dagaalka ka dhanka ah Argagixisada.

Ciidamadan oo la baray Taqasusyo gaar ah oo la xariira weerarada qorsheysan, ayna tababareen khubaro ka socotay dowladda Turkiga ayaa si rasmi ah ugu biiri doona howlgallada dalka ka socda ee lagu ciribtiraayo kooxaha Al-shabaab iyo Daacish, isla markaana lagu xaqiijinayo amniga, kala dambaynta iyo xasilloonida dalka.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Ciidamadani ay wax badan ka tari doonaan burburinta godadka ay ku dhuumaaleysanayaan Saraakiisha iyo dagaalameyaasha kooxaha Al-shabaab iyo Al-shabaab, maadama la siiyey tababarro adag, waxa uuna ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay garab istaagaan Ciidamada Qaranka ee dagaalka kula jira Kooxaha Khawaarijta ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey dowladda Turkiga taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan tahay Soomaaliya, gaar ahaan dhismaha iyo tayeynta Ciidamada Amniga, isaga oo ku dhiiri galiyay Ciidamada tababarka dhammeystay ka dhabaynta dhaartii ay mareen iyo go’aanka dhaxal galka ah ee ay qaateen ee difaaca dalkooda.