Maraykanka oo sheegay qasaaraha ka shashay duqayntii Daaciish ee gobalka Beri

War qoraal ka soo baxay Taliska Millatariga Maraykanka ee Qaaradda Afrika oo magacooda loo soo gaabiyo AFRICOM ayaa markii u horreysay lagu soo bandhigay khasaaraha ka dhashay weerarkii cirka ee kowdii bishan ay ka fuliyeen buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari.

Taliska Africom ayaa sheegay in duqeynta ay ku dileen 14 xubnood oo ka tirsanaa kooxda Daacish, oo qofka ugu muhiimsan ee weerarka lagu dilay lagu sheegay , Axmed Maeleninine kaasoo lagu sheegay inuu ahaa hoggaamiyihii howlgallada dibadda, maalgelinta iyo ninka dagaallamayaasha ajanabiga ah kooxdan uga soo qori jiray dibadda.

Qoraalka Taliska AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqayntaasi ay aysan jirin rayid wax ku noqday hawlgalkaasi, iyagoona sheegay in ay sii wadi doonaan duqeymaha ay la beegsanayaan xubnaha Daacish iyo Al-shabaab.

“Ciidamada Maraykanka ee Afrika waxay sii wadi doonaan tababaridda, latalinta iyo qalabaynta ciidamada saaxiibada la ah, si ay u soo qabtaan ISIS” ayaa lagu yiri qoraalka AFRICOM.

Shaacinta xubnaha Daacish ee lagu dilay duqeynta ay fuliyeen diyaaradaha Mareykanka ayaa qaaday muddo 12 maalin ah, taasi oo ka dhigaysa in Mareykanka oo waqti badan geliyay xaqiijinta weerarka ay ka fuliyeen gobolka Bari.

Mareykanka ayaa kordhiyey weerarada dhinaca cirka ah oo uu ka fuliyo deegaanada Puntland, kaasi oo lala beegsanayo xubno Daacish ee ku dhuumaaleysanaya Buuraleyda Calimiskaad ee gobolka Bari.

Warka Africim ayaa ku soo aadaya xili ciidamada Puntland ay weli wadaan dagaalka ka dhanka ah koxoda, iyagoona cidiamada Puntland iyo kooxda Daacish uu shalay dagaalkii ugu cuslaa uu kku dhexmaray Buuraleyda Calimiskaad ee gobolka Bari waxay Daacish soo bandhigtay markii u horreysay awoodoodii u sarreysay ee dagaal, kaddib markii ay adeegsadeen gaari qarax laga soo buuxiyay, mootooyin iyo dagaallamayaal qaraxyo isku soo xiray, balse weerarka wuxuu ku soo dhammaaday in la wada dilay dhammaan Maleeshiyaadka Daacish.