Shir deg deg ah oo ku saabsan Amniga ka dhacay Baydhabo

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa shir gudoomiyey Shir deg deg ah oo ay isagu imaadeen Saraakiisha Laamaha Amniga Qeybahooda kala Duwan,kuwa Atmis iyo Saraakiil ka socday Dowlada Ingiriiska.

Shirka waxaa diirada lagu saaray Xoojinta Amniga,Iskaashiga qeybaha kala duwan ee Ciidanka,Wadaagida Xogaha Argigixisada ay ku dhibaateyaan Shacabka Soomaaliyeed iyo Xoojinta Howlgalada Socda sida lagu sheegay war kasoo madaxtooyadda  Koonfur Galbeed.

Kulankaan ayaa sidoo kale looga hadlay sidii  Al-Shabaab looga saari lahaa go,doominta ay saareen degaanada maamulka Koonfur Galbeed.

Al-Shabaab ayaa bilihii lasoo dhaafay xoojiyay weerarada ay ku qaadayaan degaanada maamulka Koonfur Galbeed, waxaana Qaraxyo ay ka dhaceen ilaa dhowr magaalo.