Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi casiis Xasan Maxamed (laftagareen) oo booqasho ku tegay Magaalada Jigjiga ayaa Maanta kulan la qaatay Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cagjar.
Labada mas’uul ayaa waxaa ay kulanka uga wada hadleen arrimaha mniga gaar ahaan la dagaalanka ururka Al-Shabaab iyo sidii looga saari lahaa xuduudda ay wadaagaan labada Deegaan.
Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cagjar ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay ka go’an tahay inay iskaashi kala yeeshaan Maamulka Koonfur Galbeed dhanka amniga iyo ka hortaga weerarada Al-Shabaab.
Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi casiis Xasan Maxamed (laftagareen) ayaa dhankiisa uga mahad celiyay Madaxweynaha dowlad degaanka soo dhaweynta loo sameeyay, isaga oo ballan qaaady in uu xoojin doono wadashaqeynta uu la leeyahay.
Dhawaan ayaa degaano kamid ah dowlad degaanka Soomaalida waxaa weeraro xoogan ku qaaday Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab, kuwaas oo ka gudbay dhinaca Gobolka Bakool ee Maamulka Koonfur Galbeed, taas oo keentay in safar deg deg ah uu Madaxweynaha koonfur Galbeed ku tago itoobiya.



