Wasiirka qorsheynta Jubbaland oo xildhibaan loo doortay

Doorashada kursiga #HOP122 ayaa lasoo gababeeyey waxaana ku tartamayey Mursal musharax Mursal Maxamed Khaliif iyo musharax xildhibaan Cumar Muxumed Buulle.

Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee Jubaland SEIT ayaa ku dhawaaqay natiijada kursiga #HOP122 waxaana ku guuleeystay Mursal Maxamed Khalif oo ah Wasiirka qorsheynta maamulka Jubbaland.

Waxaa goob joog ahaa goobta doorashada Madaxweyne kuxigeenka koobaad ee Jubaland mudane Maxamuud Sayid Aadan, Wasiirka Amniga Jubaland Yuusuf Xuseen Cusman Dhuumaal iyo Taliyaha Ciidamada Darawiishta Jubaland ee Gobolka Gedo Ganaraal Cabaas Ibraahim Gurey.