Ciidamo weeraray guri uu ku sugnaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya

Ciidamo la sheegay in ay ka tirsan yihiin maamulka magaalada Gaalkacyo ayaa caawa “weeraray” guri uu ku sugnaa wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Cabdisaciid Muuse Cali.

Hoyga waxaa dagan nabadoon Yaasiin Cabdisamad oo ka mid ah waxgaradka gobolka Mudug.

Weerarka ayaa waxaa ka dhashay  khasaaro dhaawac u badan oo ka dhashay falka.

Taliye Kuxigeenka Booliska gobolka Mudug Coomaad iyo Nabadoon Yaasiin ayaa la sheegay in ay ku dhaawacmeen weerarka.

Lama ogga sababta dhabta ah ee ciidamadda u beegsadeen hoyga.