Magaalada Muqdisho waxaa ka socda Shirweyne Qaran oo u dhaxeeya Mas’uuliyiin katirsan dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Qaramada midoobay, kaas oo looga hadlayo arrimaha Hubka & Maareynta Rasaasta.
Shirkaan ayaa la filayaa in Maanta la soo geba-gabeeyay Warsaxaafadeedna laga soo saaro, waxaana shirkaan uu yahay mid istaraatiiji ah oo ay dowladda Soomaaliya ku muujinaysaa sida ay uga go’an tahay arrimaha ku aadan xakameynta hubka iyo rasaasta.
Inkastoo Soomaaliya hadda wajahayso eedeymo ku saabsan in si qarsoodi ah hubka loo soo galiyo Soomaaliya ayaa hadana dowladda Soomaaliya ay sheegtay in ay dooneyso dejinta qorshayaasha cunaqabateynta hubka looga qaadayo Soomaaliya.
January sanadkii 2014-kii kadib go’aamadii golaha amaanka ee (qaraarkii 2093 iyo 2142) ee ahaa in qayb ka mid ah laga qaado cunaqabataynta hubka ee saaran Soomaaliya 20-kii sano ee la soo dhaafay, Soomaaliya ayaa fursad loo siiyay in ay dhisto awood ay ku sugto amniga dadkeeda iyo dhulkeeda.
Soomaaliya ayaa ka mid ah dalal dhowr ah oo Afrikaan ah oo ka soo kabanaya colaado weli la daalaa dhacaya cawaaqib xumada ka dhalan karta kororka iyo isticmaalka hubka oo aan la xakameynin.
Dhulka Soomaaliya ayaa waxaa si caadi ah u soo gala hubka noocyadiisa kala duwan, kaas oo ay isticmaalaan Kooxaha kasoo horjeeda dowladda Soomaaliya iyo Maleeshiyaadka beelaha.



