Kulamo looga hadlaayo joojinta dagaalka Xananbuure oo ka socda Cadaado

Wasiirkii hore ee arinaha Gudaha Soomaaliya Xildhibaan Cabdurahman Odowaa  ayaa hada kulan ku laleh Hollka Diiriye ee magaalada Cadaado odayaasha dhaqanka Magaalada Cadaado.

Kulankaan ayaa hadlayaa joojinta dagaalka Xananbuure ee gobolka Galgaduud waxaana uu hada marayaa ku lanku meel wanaagsan iyadoo la isla qaatey xabad joojin dhanka beesha ree Xaaji Sulaymaan.

Muddo todobaad ah ayaa degaanka ka mid ah gobolka Galgaduud waxaa ka socday dagaal beeleedyo geystay Khasaare badan waxaana ku fashilmay maamulka Galmudug in uu kala dhex galo beellaha dagaallamaya.

Kulanka xildhibaan Odowaa waxaa ku wehliya qaar ka mid ah xildhibaanada Galmudug ee Cadaado laga soo doorto wasiir Cumar Guureeye, maamulka Cadaado iyo masuuliyiin kale.