Mareykanka oo ugu baaqay Madaxda ku shirsan Dhuusamareeb in ay xaliyaan khilaafkooda

Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa ugu baaqday dowladda federalka iyo maamul gobolleedyada inay tahay in ay xalliyaan dhammaan arrimaha ay isku khilaafsan yihiin .

Waxa ay sidoo kale soo jeedisay in la qabto doorasho wakhtigeeda ku dhacda oo aan meel kale ama qaab kale loo marin.

Haddalkan oo ay twitterka safaaradda la soo dhigay ayaa ka dambeeyay, kadib markii Qaramada Midoobay iyo dalalka deeqaha siiya Soomaaliya ay Iyana soo saareen qoraal loogu baaqayay Madaxweyne farmaajo iyo Madaxda maamul gobolleedyada oo ku shirsan Dhuusamareeb inay meel dhexe isugu yimaadaan.

Waxaan hoosta ka xariiqeen in natiijooyin kasta oo beddel ka ah kii lagu heshiiyay, oo ay ka midyihiin geeddi-socod kale oo kan barbar socda ama doorashooyin qayb ah oo aan loo dhammayn, ama tallaabooyin kale oo aan ahayn hanaanka doorashooyinka lagu heshiiyey, ay noqon doonaan dib-u-dhac aan heli doonin taageerada saaxiibada caalamka.

Sidaa darteed, waxaan ugu baaqeen dhammaan madaxda siyaasadda inay mudnaanta siiyaan sidii lagu heli lahaan hab horay loogu socdo iyadoo jirin dib u dhac dheeraad ah.